Safaaradda Mareykanka ee Urdun ayaa kordhisay tallaabooyinka ammaanka

Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Urdun ayaa ku dhawaaqaday tallaabooyin amni oo aad loo adkeeyay in laga hirgeliyay dalkaas.

Safaaradda Mareykanka ee Cummaan ayaa sheegtay in la adkeeyay amniga xarumaha ganacsiga, safaaradaha shisheeye iyo goobo kale oo ku yaalla Urdun kaddib markii shalay oo jimco aheyd la weeraray kinisad.

Madaxda Urdun ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagixiso ah oo ay geysteen xagjirayaal. Madaxa hayโ€™adda amniga dadweynaha Urdun ayaa sheegay in toddobo qof ay ku dhinteen weerarka iyadoo tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad isugu yimid kinisadda oo dug ka qeybgalayay.

Weerarada noocaan ah ayaan ka dhicin Urdun balse masโ€™uuliyiintu waxay sheegeen in sannadihii u dambeeyay ay fashiliyeen weeraro ay soo qaadeen xagjiriin.

Madaxda Urdun waxay sheegeen in ay weli raadinayan dadkii weerarka ka dambeeyay iyagoo intaas ku daray in ay weli goor hore tahay in la goโ€™aamiyo hadii kuwa weerarka soo qaaday xiriir la leeyihiin kooxo ku sugan gudaha ama dibadda Urdun.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker