Nairobi: Dhisme 16 dabaq ah oo dumay, iyadoo laga cabsi qabo in dad ku hoos jiraan

Dhismo ka koobaan 16 dabaq oo weli dhismihiisu socday ayaa ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, iyadoo gurmadka degdegga ah uu bilowday, lagana cabsi qabo in dad ay ku hoos xannibmaan burburka dhismaha.

Dhismaha oo lagu sheegay inuu lahaa inta u dhexeysa 12 iyo 16 dabaq ayaa ku yaalla waddada 9-aad ee Eastleigh, halkaas oo dukaamo ganacsi ay ka furnaayeen dabaqa hoose markii uu dumayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dad ay ku jireen dhismaha xilliga uu burburayay, iyagoo tilmaamay in qaylo laga maqlayay burburka hoostiisa. Qaar ka mid ah dadka goobta joogay ayaa sheegay inay maqleen hooyo ku dhawaaqaysa kalimadda shahaadada, halka wiil uu ku qaylinayay in walaalkiis uu dhismaha ku jiro.

Guddoomiyaha magaalada Nairobi, Johnson Sakaja, ayaa sheegay in la bilaabay hawlgal lagu badbaadinayo dadka, iyadoo la adeegsanayo qalab culus oo ay ka mid yihiin cagafyada qodista iyo qalabka lagu jebiyo dhismayaasha.

Sakaja ayaa sheegay in kooxo gurmad oo ka kala socda dowladda gobolka Nairobi, ciidamada milatariga Kenya, xarunta maareynta musiibooyinka iyo Laanqayrta Cas ay iska kaashanayaan hawlgalka. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale goobta ku sugnaa si ay gargaar u siiyaan dadka la soo badbaadiyo.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay isku dayayaan inay hawo oksijiin ah gaarsiiyaan meelaha ay suuragal tahay inay dad ku xanniban yihiin, iyagoo sidoo kale nadiifinaya burburka si loo gaaro dadka noolaan kara.

Bramwell Simiyu, oo ah madaxa maareynta musiibooyinka ee dowladda gobolka Nairobi, ayaa sheegay inaan weli la ogeyn tirada dadka ku jiray dhismaha markii uu dumayay.

Dhacdada ayaa dhalisay cabsi iyo jahawareer ka dhacay goobta, iyadoo booliska rabshadaha ka hortaga ay sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen kala eryidda dad isku dayay inay xiraan waddada u dhow goobta burburka.
Ilaa hadda lama xaqiijin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhacdada, waxaana socda hawlgallada raadinta iyo badbaadinta dadka laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan burburka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker