Dibadbaxayaal ayaa isugu soo ururay magaalada Orleans ee Faransiiska

Kumanyaal qof oo ka tirsan kooxaha garabka bidix ee Faransiiska ayaa socod-dibadbax ka wada magaalada Orléans oo qiyaastii 120 kiiloomitir koonfurka xigta Paris, halkaas oo xisbiga National Rally ee garabka midigta fog uu shir ku qabanayo dhammaadka toddobaadkan.

Tirobadan oo boolis ah ayaa la geeyay magaalada, waxaana la hakiyay adeegyada gaadiidka dadweynaha.

Marine Le Pen, oo ah hoggaamiyaha xisbiga National Rally, ayaa la filayaa in ay shirka labada maalmood soconaya ka bilowdo ololaheeda ay ugu tartamayso xilka madaxweynaha Faransiiska.

Ra’yi-ururinnadaayaa muujinaya in doorashadan ay Le Pen u tahay fursadii ugu weyneyd ee ay ku noqon laheyd madaxweyne,iyadoo markii afraad u tartamaysa xilkaas, inkastoo maxkamad ay horraantii sannadkan ku heshay dambi la xiriira lunsashada lacagaha Midowga Yurub.

LePen ayaa beenisay in ay wax dambi ah gashay, waxayna racfaan ka qaadatay xukunkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker