Dalalka Shiinaha iyo Jabuuti oo bayaan wadajir ah ku diiday Somaliland

Dowladaha Shiinaha iyo Jabuuti ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada ay u hayaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka horyimid dadaal kasta oo Somaliland loogu raadinayo aqoonsi dal madax-bannaan.

Mowqifkan ayaa lagu sheegay bayaan wadajir ah oo la shaaciyey kaddib wada-hadallo ay magaalada Beijing ku yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyo dhiggiisa Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar. Labada wasiir ayaa kulmay Arbacadii, 21-kii October.

“Labada dhinac waxay si adag u taageerayaan Soomaaliya inay difaacato madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ka soo horjeedaan isku day kasta oo Somaliland loogu raadinayo ‘aqoonsi diblomaasiyadeed’,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Labada dal ayaa sidoo kale ku adkeystay in Somaliland ay tahay “qayb aan laga goyn karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”, iyagoo diiday in loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Bayaanku wuxuu intaas ku daray in Shiinaha iyo Jabuuti ay ka soo horjeedaan wada-shaqayn kasta oo u dhexeysa Somaliland iyo maamulka Taiwan.

Intii ay wada-hadalladu socdeen, Jabuuti ayaa dib u xaqiijisay inay ku dheggan tahay mabda’a “hal Shiinaha”, halka Wang Yi uu ku ammaanay taageerada ay Beijing ka siiso arrimaha ay u aragto danaheeda aasaasiga ah.

Mowqifkan ayaa imanaya iyadoo aqoonsiga Somaliland uu weli yahay arrin ay dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeeddo, gaar ahaan kaddib tallaabadii ay Israa’iil qaaday dabayaaqadii sannadkii hore.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 noqotay dalkii ugu horreeyey ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’day sannadkii 1991.

Go’aankaas waxaa diiday dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, halka urur-goboleedka IGAD uu sheegay in aqoonsi hal dhinac ahi uu ka hor imanayo axdiyada caalamiga ah iyo heshiiska lagu aasaasay ururka.

Somaliland ayaa muddadaas dhisatay hay’ado maamul, siyaasadeed iyo amni oo u gaar ah, iyadoo dowladda federaalka aysan si toos ah uga talin deegaannada ay Somaliland maamusho.

Hase yeeshee, dowladda Soomaaliya waxay Somaliland u aragtaa qayb ka mid ah dhulka dalka, waxayna ku adkeysataa in heshiisyada lala galo maamulkeeda ee laga tallaabsado dowladda federaalka ay xadgudub ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker