Trump oo dalbaday in Ilhaan Cumar ay iska casisho xilka Aqalka Wakiillada Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in xildhibaan Ilhaan Cumar ay iska casisho xubinnimada Aqalka Wakiillada Maraykanka, isaga oo ku eedeeyay inay adeegsatay magac been-abuur ah si loogu doorto xilka.

Trump ayaa hadalkan jeediyey isaga oo weerar afka ah ku qaaday xildhibaanka laga soo doorto gobolka Minnesota, kuna celiyey eedeymo la xidhiidha aqoonsigeeda iyo taariikhdeeda guur.

 

Isaga oo ka hadlayey Soomaaliya, ayuu Trump sheegay in Ilhaan Cumar ay muddo dheer dadka khiyaamaynaysay, isaga oo Soomaaliya ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqaynaysa, isla markaana ku andacooday in dadka dalkaasi ay ku mashquulsan yihiin is-eryashada iyo is-toogashada.

Trump ayaa sidoo kale ku dooday in Ilhaan Cumar ay adeegsatay magaca ay caanka ku tahay si ay ugu guulaysato kursiga Aqalka Wakiillada Maraykanka. Waxa uu sheegay in magaceeda dhabta ahi yahay “Ilhaan Nuur Siciid Cilmi”, isaga oo ku adkaystay inay iska casisho xilka, kuna andacooday inaan sharci ahaan loo oggolaan karin inay sii ahaato xubin ka tirsan golahaas.

Eedeymahan ayaa qayb ka ah dhaleecaynta joogtada ah ee Trump u jeediyo Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, isla markaana si weyn uga dhex muuqata siyaasadda Maraykanka.

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay su’aal hore loo weydiiyey Ilhaan Cumar oo ku saabsan eedeynta ah inay guursatay walaalkeed. Isaga oo arrintaas ka hadlaya, ayuu sheegay in markii la weydiiyey su’aashaasi ay ku jawaabtay: “Inta aan ka warqabo, maya.” Trump ayaa jawaabtaas ku tilmaamay mid ka mid ah jawaabihii ugu xumaa ee uu abid maqlo.

 

Eedeynta ah in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed ayaa muddo dheer ka dhex jirtay doodaha siyaasadeed ee Maraykanka, hase yeeshee xildhibaanku hore ayay u beenisay eedeymahaas. Eedeymaha Trump ee ku saabsan magaca ay isticmaasho iyo sharciyadda xubinnimadeeda Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa sidoo kale u baahan caddayn madax-bannaan, mana aha in loo qaato xaqiiqo sharci ahaan la go’aamiyey.

Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, ayaa ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto gobolka Minnesota, waxaana ay ka mid ahayd haweenkii ugu horreeyey ee Muslimiin ah ee loo doorto Aqalka Wakiillada Maraykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker