Somaliland oo sheegtay in tallaabada Soomaaliya ee maamulka shirkadaha tigidhada diyaaradaha aanay saamaynayn
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fuโaad Axmed Nuux, ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda Soomaaliya kula wareegayso maamulka shirkadaha bixiya tigidhada diyaaradaha aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin Somaliland.
Wasiirka oo waraysi siiyay Dirane TV, kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku joogay dalka Canada, ayaa sheegay in shirkadaha socdaalka ee Somaliland ay ku shaqeeyaan shuruucda Somaliland, ruqsadahana ay ka haystaan Wasaaradda Duulista.
โRuntii arrinta ay Soomaaliya ka hadashay wax Somaliland khuseeya maaha. Shirkadaha socdaalka ee Somaliland ku yaalla sharciga Somaliland ayay ku shaqeeyaan, ruqsadana waxa ay ka haystaan Wasaaradda Duulista, nidaam ay wax u iibiyaanna way leeyihiin,โ ayuu yidhi Fuโaad Axmed Nuux.
Waxa uu intaa ku daray in tallaabada ay Soomaaliya ka hadlayso ay khusayso shirkadaha socdaalka ee Muqdisho ku yaalla, isaga oo sheegay inaanay Somaliland saamayn ku yeelan doonin.
Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in muranka la xidhiidha nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee Soomaaliya (E-Visa) aanu weli dhammaan, isla markaana Somaliland ay weli dareemayso culayska arrintaasi.
โArrinta E-Visa dagaalkeedii ayaanu ku jirnaa, wali muu dhammaanin, waanu dareemaynaa culayska. Xukuumad ahaanna waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii aanu arrintaasi xal ugu heli lahayn, waana laga shaqaynayaa,โ ayuu yidhi wasiirku.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay taagan yihiin khilaafaad la xidhiidha nidaamyada socdaalka iyo maamulka hawlaha duulista ee u dhexeeya Somaliland iyo dowlada Soomaaliya.




