Warbaahinta Mareykanka: Pentagon-ka oo si hoose u dhimaya tirada ciidamada Mareykanka ee saldhigyada Bariga Dhexe
Warbaahinta Mareykanka ayaa, iyadoo soo xiganaysa saraakiil milatari iyo kuwo dowladeed, sheegtay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ku ay si hoose u dhimayso tirada ciidamada ku sugan saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.
Telefishinka CBS, oo ah warbaahin Mareykan ah oo ay BBC-da iskaashi la leedahay, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka iyo sarkaal sare oo milatari ay Arbacadii u sheegeen in ciidamada Mareykanku ay si hoose u dhimayaan tiradooda saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan hanjabaado amni oo gobolka ka jira, oo ay ka mid yihiin kuwa kooxda Xuutiyiinta iyo hanjabaado toos ah oo ka imanaya Iiraan.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa amartay in shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda Mareykanka laga saaro dalka Sacuudiga




