Ilhaan Cumar oo sheegtay in Trump uu ka dambeeyo cadaadiska siyaasadeed ee saaran, kaddib markii gurigeeda la baaray

Xildhibaanadda Dimuqraadiga ah ee Ilhaan Cumar, oo laga soo doorto gobolka Minnesota, ayaa faahfaahin ka bixisay baaritaan ay hay’adaha federaalka Mareykanka ku sameeyeen gurigeeda 12-kii Oktoobar, iyadoo madaxweyne Donald Trump ku eedeysay inuu door ku leeyahay cadaadiska siyaasadeed ee ay wajahayso.

Ilhaan ayaa hadalkan ku sheegtay wareysi ay fiidnimadii Arbacada siisay weriyaha Chris Hayes oo ka tirsan telefishinka MS NOW. Wareysiga ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay bixiso kaddib baaritaanka gurigeeda ee ay sameeyeen saraakiisha hay’adda baarista amniga gudaha Mareykanka.

Waxay sheegtay in hanjabaado dil iyo walaac la xiriira ammaankeeda ay ku qasbeen iyada iyo qoyskeeda inay ka fikiraan sidii ay uga guuri lahaayeen gurigooda ku yaalla agagaarka Washington, maadaama cinwaanka guriga uu noqday mid si guud loo heli karo.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in subaxnimadii 12-kii Oktoobar, abbaare 6:00 aroornimo, ay hurdada ku tooseen garaac xooggan oo laga maqlayay albaabbada hore iyo kuwa dambe ee guriga, kaas oo ay sameynayeen saraakiil ka tirsan hay’adda baarista amniga gudaha Mareykanka.

Waxay sheegtay in iyada, seygeeda iyo wiilkooda oo 20 jir ah ay si degdeg ah dharkooda u xirteen, iyagoo isku dayayay inay fahmaan waxa dhacaya. Xilligaas ayay sheegtay inay safar kasoo laabatay, isla markaana ay seexatay laba saacadood oo keliya.

Xildhibaaddu waxay sheegtay in markii hore ay u maleysay inuu dab ka kacay guriga, balse ay markii dambe ogaatay in saraakiishu u yimaadeen inay baaritaan sameeyaan.

Sida ay sheegtay, inta u dhexeysay 15 ilaa 25 sarkaal ayaa guriga baarayay qol qol, muddo socotay afar ilaa shan saacadood.

Waxyaabaha la qaaday waxaa ka mid ahaa 17 shay, oo ay ku jiraan taleefanno hore iyo kuwo dhowaan la beddelay, taleefankii ugu horreeyay ee gabadheeda, xusuus-qoryo, agab xusuus ah, kamarad soo jirtay lixdameeyadii iyo buug ay ku qornaayeen weedho af Soomaali ah.

Ilhaan ayaa sheegtay inay la yaabtay muddada baaritaanka markii ay aragtay liiska agabka la qaatay. Waxay sidoo kale sheegtay in ay saacad ku qaadatay ka hor inta aysan awoodin inay la xiriirto qareenkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay xustay in saraakiishii baaritaanka sameeyay ay si wanaagsan ula dhaqmeen, ayna alaabtii guriga ugu celiyeen meeshoodii, qaarkoodna ay xitaa laalaabeen dharkeedii.

Xildhibaadda ayaa aaminsan in baaritaanka gurigeeda uu salka ku hayo dano siyaasadeed, gaar ahaan iyadoo isku diyaarinaysa doorashada dhexe ee Mareykanka, kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga.

Waxay sheegtay in Trump uu muddo dheer dhaliilayay, isla markaana uu marar kala duwan ku baaqay in dalka laga masaafuriyo, iyadoo arrintaas ku tilmaantay qayb ka mid ah ololaha lagu cabsi-gelinayo iyada iyo dadka taageera.

Dhankiisa, Trump ayaa toddobaadkii hore beeniyay inuu wax xiriir ah la leeyahay baaritaanka, hase yeeshee Talaadadii ayuu mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan, markii su’aalo laga weydiiyay.

Wareysiga ayaa sidoo kale lagu soo qaaday eedeymo muddo dheer baraha bulshada lagu faafinayay oo ku saabsan guurkii hore ee Ilhaan Cumar iyo sheegashooyinka ah inay guursatay walaalkeed.

Ilhaan ayaa beenisay inay ogtahay jiritaanka wax xiriir qaraabonimo ah oo u dhexeeya iyada iyo seygeedii hore. Waxay sheegtay in wararkaasi ay ka soo farcameen qoraal af Soomaali ah oo markii dambe ay faafiyeen dad ay ku tilmaantay aragtiyo shirqool oo siyaasadeed aaminsan.

Markii la weydiiyay inay qaraabo yihiin ninka ay eedeymahaasi khuseeyaan, waxay ku jawaabtay: “Inta aan ogahay, maya.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker