Ruushka oo sii daayey muwaadin Maraykankan ah xilli ergeyga Trump joogo dalkaas

Ruushka ayaa sii daayay muwaadin Mareykan ah oo 74 jir ah, kaas oo xabsi loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyay inuu u dagaallamayay Ukraine, xilli Madaxweyne Vladimir Putin uu magaalada St Petersburg wada-hadallo kula yeeshay ergayga Mareykanka Steve Witkoff.

Stephen Hubbard ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee Pulkovo, sida uu Putin sheegay intii uu socday kulanka subaxnimadii hore ee Arbacada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe sheegay in muwaadinkaas uu “ku soo socdo dalkiisa”, isla markaana “aan loo baahnayn wax is-weydaarsi maxaabiis ah”.

Hubbard ayaa sannadkii 2024 lagu xukumay ku dhowaad toddoba sano oo xabsi ah oo uu ku qaadan lahaa xero ciqaabeed. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa cutub difaac oo ku sugnaa magaalada Izyum ee Ukraine, xilligaas oo ciidamada Ruushku ay qabteen wax yar kaddib markii Moscow ay billowday duullaankii ballaarnaa ee Ukraine sannadkii 2022.

Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada kaddib markii warbaahinta dowladda Ruushku ay baahisay warka sii deynta Hubbard, ku sheegay in tallaabadan ay timid kaddib codsi uu toddobaadkii hore “si toos ah” ugu gudbiyay Putin.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta kale ee Mareykanka ee Ruushka ku xirnaa ayaa hore loo sii daayay kaddib heshiisyo is-weydaarsi maxaabiis ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker