Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay khariidad ay sheegtay inay wax u dhimayso madax-bannaanida iyo midnimada dalkeeda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay una diidday khariidad la sheegay in lagu soo bandhigay shir-jaraa’id uu qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, taas oo, sida ay dowladdu sheegtay, muujinaysa Soomaaliya oo kala qaybsan, isla markaana xadgudub ku ah xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee dalka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in khariidaddaasi ay ka hor imanayso madax-bannaanida qaranka, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in dhulka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland, uu yahay qayb aan laga goyn karin qaranka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in midnimada dalka ay saldhig u yihiin Dastuurka Soomaaliya iyo mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Midowga Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in isku day kasta oo dhinacyo shisheeye ay ku doonayaan inay dib ugu sawiraan ama wax uga beddelaan khariidadda siyaasadeed ee Soomaaliya uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ka hor imanaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto gudashada waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta qarannimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Khilaaf kasta oo la xiriira xuduudaha iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ayaa xambaarsan xasaasiyad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, iyadoo dowladda federaalku ay ku celcelisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker