Netanyahu oo khariidad ku muujiyey Somaliland iyo Puntland inay saaxiib la yihiin Israa’iil iyo Imaaraadka
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa khariidad lagu soo bandhigay kulan uu Axaddii kaga hadlayey amniga qaranka Israa’iil ku muujiyey Somaliland iyo Puntland inay ka mid yihiin dhulalka ay Israa’iil iyo Imaaraadka Carabtu u arkaan saaxiibbo.
Khariidadda oo lagu soo bandhigay bandhigga Netanyahu ee 18-kii Oktoobar 2026, ayaa Somaliland iyo Puntland loogu asteeyey midab buluug khafiif ah, khariidaddan waxaa markii hore daabacday hay’adda Friedrich-Ebert-Stiftung bishii May 2026, waxaana diyaariyey Marc Saxer iyo Marcus Schneider.
Khariidaddu waxay sidoo kale Itoobiya, Jabuuti iyo Giriigga ku dartay qaybta ay Israa’iil iyo Imaaraadku u arkaan dhulalka saaxiibka la ah, halka Soomaaliya iyo maamulka Waqooyi Bari lagu muujiyey qayb kale oo lala xidhiidhiyey isbahaysiga ay khariidad-sameeyayaashu ugu yeedheen “Sunni Diamond”, oo ay ku jiraan Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sucuudiga.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay xustay in khariidaddu ka tarjumayso qiimayn ay sameeyeen qorayaasheedu oo ku saabsan xidhiidhada gobolka, balse aanay caddaynayn heshiis rasmi ah ama xubinnimo isbahaysi. Waxa kale oo khariidadda lagu muujiyey Maamulka Waqooyi Bari oo ay Somaliland sheegato, lakiin Israa’iil ayaa gaar ka dhigtay.
Netanyahu ayaa kulanka kaga hadlay isbahaysiyada cusub ee gobolka, isaga oo iskaashiga Israa’iil iyo Imaaraadka ku tilmaamay mid istaraatiiji ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay doonayso inay ballaadhiso xidhiidhadeeda caalamiga ah labada sano ee soo socda, muddada uu xilka hayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo isbahaysiyo cusub.
Dhanka Soomaaliya, Dowladda Federaalka ayaa si adag uga soo horjeedda aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland 26-kii Diseembar 2025, iyada oo ku tilmaantay mid ka hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, xidhiidhka Puntland iyo Imaaraadka ayaa khilaaf ka dhex abuuray Puntland iyo Muqdisho, gaar ahaan heshiisyada la xidhiidha dekedda Boosaaso iyo iskaashiga amniga, halka Turkigu taageero dhinacyada amniga iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in la-taliye sare oo arrimaha dibadda u qaabilsan Madaxweynaha Somaliland, Maxamed Cismaan Fadal, uu warbaahinta Middle East Eye u sheegay in Somaliland doonayso inay Israa’iil ka hesho nidaamyada difaaca cirka. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Al Jazeera u sheegay in Soomaaliya aanay aqbali doonin joogitaanka Israa’iil “duruufo kasta ha ku yimaaddee”, iyadoo falanqeeyayaashu ka digayaan in loollanka quwadaha shisheeye iyo khilaafaadka gudaha Soomaaliya ay kordhin karaan khatarta colaadaha gobolka.




