Soomaaliya oo dib u soo celisay nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in dib u soo celinta nidaamka caalamiga ah ee tigidhada diyaaradaha ee IATA-BSP ay tallaabo muhiim ah u tahay horumarinta ganacsiga duulista hawada iyo xoojinta hufnaanta maaliyadeed ee dalka.

Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay munaasabad lagu daahfuray dib u soo celinta nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), isaga oo xusay in nidaamkani sare u qaadayo kalsoonida shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha safarka ee caalamiga ah.

Wuxuu sheegay in guushani ay ka dhalatay wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, bahwadaagta caalamiga ah iyo dhinacyada ka shaqeeya horumarinta waaxda duulista hawada Soomaaliya, isaga oo hambalyo u diray dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinteeda.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in wada-shaqaynta Soomaaliya iyo IATA ay door muhiim ah ka qaadatay horumarinta maamulka hawada dalka, abuurista waddooyin cusub oo duulimaadyada ah iyo kordhinta dakhliga dowladda.

Axmed Macallin Xasan ayaa xusay in IATA ay Soomaaliya ka caawisay inay ka gudubto heerka G ee kala soocidda hawada, una gudubto heerka A, isaga oo tilmaamay in isbeddelkaasi uu qayb ka ahaa dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada duulista rayidka.

Wuxuu sidoo kale sharraxay in nidaam ay IATA u samaysay ururinta khidmadaha diyaaradaha adeegsada hawada Soomaaliya uu markii dambe ku faafay dalal badan oo caalamka ah, isla markaana uu gacan ka geystay hagaajinta habka lacagaha loo ururiyo looguna wareejiyo dowladaha.

Dib u soo celinta nidaamka IATA-BSP ayaa la filayaa inay fududayso habraacyada lacag-bixinta iyo xisaab-celinta tigidhada diyaaradaha, isla markaana ay xoojiso isku xirka shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha safarka ee Soomaaliya iyo suuqa caalamiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker