Maraykanka oo ugu baaqay Israa’iil inay wax ka qabato fal ay ku kaceen Israa’iiliyiinta sida sharci darrada ah u deegaansada dhulka Falastiin

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Washington ay ugu baaqday Israa’iil inay wax ka qabato rabshadaha dadka sida sharci darrada ah u deegaansada dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Mr. Rubio ayaa u sheegay wariyeyaasha in sawirrada la garaacayo weriye Mareykan ah Jimcihii ay ahaayeen kuwo dhib badan oo aan sawir wanaagsan ka bixinayn Israa’iil.

Faalladan ayaa timid ka dib markii Safiirka Mareykanka ee Israa’iil Mike Huckabee uu weerarkii lagu qaaday Heidi Levin, oo ka warramaysay weerarrada dadka deegaansanaya dhulka Falastiiniyiinta ee sharci darradaha ay ku qaadayaan geedaha saytuunka, ku tilmaamay “fal fool xun oo argagixiso.”

Shalay, koox diblomaasiyiin Yurub ah oo u safray Daanta Galbeed ayaa lagu bartilmaameedsaday aagaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker