Ismaan-dhaaf xooggan oo ka dhex qarxay Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa
Ismaan-dhaaf xooggan ayaa la sheegay inuu soo kala dhexgalay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo la xidhiidha cidda xaqa u leh inay soo buuxiso shan kursi oo ka bannaanaaday Baarlamaanka maamulkaas.
Khilaafkan ayaa ka dhashay buuxinta kuraasta shanta xildhibaan ee dhawaan ka baxay Baarlamaanka Waqooyi Bari, kuwaas oo afar kamid ahi ay u goosteen Somaliland. Sida xogta lagu baahiyey baraha bulshada muujinayso, doodda ayaa baryahanba salka ku haysay cidda awoodda u leh soo xulista iyo ansixinta xildhibaannada beddelaya kuwii kuraasta banneeyey.
Wararka la xidhiidha arrintan ayaa sheegaya in saaka uu buuq iyo ismaan-dhaaf ka dhacay fadhiga Baarlamaanka, kaddib markii Madaxweyne Firdhiye uu ku guulaystay in loo ansixiyo shantii xildhibaan ee uu isagu watay, arrintaasi oo cirka ku sii shareertay muran ka udhexeeya hoggaanka sare ee maamulka.
Hadaba, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si kulul uga hadlay arrintan. Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ayuu ku muujiyey walaac ku saabsan habka ay wax u dhaceen, isaga oo sheegay in aan arrintan laga faa’iidi doonin wanaag.
Cabdirashiid ayaa aaminsan in isaga ay tahay inuu soo buuxiyo kuraasta bannaanayd, maadaama shanta xildhibaan ee kuraastoodu bannaanaatay ay ka soo jeedeen gobolka Sanaag, oo uu isagu kasoo jeedo.
Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo madax-bannaan oo caddaynaysa tallaabooyinka xiga ee laga qaadi doono khilaafkan iyo in labada dhinac ay gaadhi doonaan heshiis.




