Kenya oo Xaqiijisay Kiiskii Saddexaad ee Ebola ah oo Laga Helay Qof Qaraabo la ah Labadii Bukaan ee Hore
Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa Jimcihii xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Ebola, kaas oo laga helay haweenay 65 jir ah oo qaraabo dhow la ah labadii qof ee hore ee cudurka laga helay, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wasaaraddu waxay sheegtay in haweenaydan lagu hayay karantiil tan iyo 6-dii Oktoobar, balse markii ay isku aragtay qandho, cune-xanuun iyo tabardarri, la karantiilay meel gaar ah, lagana qaaday muunad lagu baadho cudurka. Baadhitaankii la sameeyay ayaa xaqiijiyay inay qabto Ebola.
Sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda, haweenayda ayaa cudurka laga ogaaday marxalad hore, waxaanay hadda helaysaa daryeel caafimaad oo taageero ah, taas oo sare u qaadaysa fursadaha ay kaga soo kaban karto xanuunka.
Kiisaska laga xaqiijiyay Kenya ayaa lala xidhiidhinayaa faafitaanka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo), halkaas oo uu cudurku ka dillaacay. Warbixinta Reuters ayaa sheegtay in faafitaankaasi ka mid yahay kuwii ugu waaweynaa ee dunida soo mara, iyadoo la diiwaangeliyay in ka badan 9,000 oo qof oo uu cudurku ku dhacay iyo in ka badan 4,000 oo dhimasho ah.
Kiiskii ugu horreeyay ee Kenya ayaa soo baxay toddobaadkii hore, kaddib markii nin u dhashay Kenya oo muddo ku xanuunsanaa Congo uu dhulka uga safray dalka Uganda, dabadeedna 3-dii Oktoobar diyaarad kaga yimid magaalada Nairobi. Qaraabo ayaa ka qaaday garoonka, iyaga oo geeyay isbitaal, halkaas oo uu ku geeriyooday 5-tii Oktoobar.
Xaqiijinta kiiska saddexaad ayaa muujinaysa in ay weli muhiim tahay la socodka dadka xidhiidhka la yeeshay bukaannada iyo tallaabooyinka karantiilka ee lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka.




