Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in jadwalka doorashadu sii fogaynayo in la gaaro heshiiska siyaasadeed

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa ka horyimid jadwalka doorasho ee uu shalay ku dhawaaqay guddiga doorashada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in tallaabadan ay sii fogaynayso is-afgaradka siyaasadeed, isla markaana ay dalka u horseedi karto kala qaybsanaan iyo colaad hor leh, xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo bani’aadantinimo.

Wuxuu sheegay in khilaafka siyaasadeed uu kusoo aadayo xilli ay dalka ka jiraan colaado, argagixiso, gaajo iyo faqri, isaga oo sidoo kale ka digay saamaynta ay yeelan karaan khataraha fatahaadaha iyo isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee gobolka.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuusan si ku filan u tixgelin culaysyada dalka haysta iyo masuuliyadda ka saaran xal u heliddooda. Wuxuu ka digay in ku adkaysiga jadwalka doorashada uu abuuri karo xaalad ay dhinacyo kala duwan isku khilaafaan cidda hoggaanka dalka haysa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in shan iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, inkasta oo ay jireen khilaafaad siyaasadeed oo culus, haddana aan la isku khilaafin cidda madaxweynaha dalka ah, isaga oo sheegay in tallaabooyinka hadda la qaadayo ay halis gelin karaan saldhigga dowladnimada.

Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka fogaado tallaabooyin dalka dib ugu celin kara burburkii iyo colaadihii sagaashamaadkii, isaga oo ku adkaystay in xaaladda siyaasadeed ee taagan looga gudbi karo heshiis siyaasadeed iyo doorasho ay dhinacyadu ku wada kalsoon yihiin.

Xildhibaanka ayaa ugu dambayn Madaxweynaha uga digay cawaaqibka siyaasadeed iyo taariikheed ee ka dhalan kara ku adkaysiga qorshe doorasho oo aan heshiis loo dhan yahay lagu gaarin, isaga oo ku boorriyay inuu mudnaanta siiyo midnimada dalka iyo wada-hadalka siyaasadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker