Shiinaha oo Israa’iil ugu baaqay inay joojiso deegaamaynta Daanta Galbeed
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa sheegay in Israa’iil ay joojiso dhismaha deegaannada Yuhuudda ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, oo ka dhacay dalka Azerbaijan.
Bayaan kulanka kaddib la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu uu Herzog u sheegay in Shiinuhu mar walba u arko arrinta Falastiin “caddaalad-darrada taariikheed ee ugu weyn qarnigan”.
Wang Yi ayaa sidoo kale sheegay in marin buuxa loo furo Gaza, si labada milyan ee qof ee rayidka ah ee halkaas ku nool aan loogu khasbin inay ku noolaadaan xaalado adag.




