Jigjiga: Xisbiga Barwaaqo oo dib u eegis ku samaynaya waxqabadka gobollada iyo maamul-magaalooyinka

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bilaabay qiimaynta warbixinta waxqabadka rubuca koowaad ee sannad-miisaaniyadeedka 2019-ka, taas oo lagu eegayo hawlaha ay qabteen gobollada iyo maamul-magaalooyinka deegaanka.

Madasha qiimaynta oo uu furay Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida, Inj. Maxamed Shaalle Isaaq, waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan hoggaanka xisbiga iyo wakiillo ka kala socday gobollada iyo maamul-magaalooyinka deegaanka.

Masuuliyiinta kale ee ka qaybgalay waxa ka mid ahaa Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda Xisbiga, Cabdiraxmaan Axmed Xasan, iyo Madaxa Arrimaha Xisbiga, Maxamed Aadan Daahir.

Qiimayntan ayaa lagu eegayaa heerka uu marayo fulinta qorshayaashii loo dejiyey rubuca koowaad ee sannad-miisaaniyadeedka, waxqabadkii la qabtay iyo hawlaha weli u baahan dardargelinta. Waxa kale oo diiradda la saarayaa qiimaynta waxqabadka gobollada, maamul-magaalooyinka iyo labada garab ee Xisbiga Barwaaqo.

Sida lagu sheegay warbixinta ku saabsan madasha, qiimayntan ayaa qayb ka ah dadaallada xisbigu ku doonayo inuu ku xoojiyo hufnaanta maamulka, korna ugu qaado tayada adeegyada bulshada iyo habsami-u-socodka adeeg-bixinta.

Madashan ayaa sidoo kale la xidhiidha dabagalka qorshayaasha shaqo iyo hubinta in hawlaha loo qorsheeyey qaybaha kala duwan ee maamulka deegaanka ay u socdaan sidii loogu talagalay, si loo gaadho himilooyinka horumarineed ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker