Farmaajo oo si wayn uga soo horjeedsaday nooca doorasho ee guddiga doorashada shaaciyeen la shaaciyay

Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa si wayn uga soo horjeedsaday jadwalka iyo hanaanka doorasho ee ay ku dhawaaqeen guddiga qaran ee doorashooyiinka.

“Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa go’aanka goonni qaadashada ah ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada halka dhinac ah ee uu samaystay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu ku yiri bayaan uu bartiisa facebook ku shaaciyay.

waxaa uu intaa ku daray in go’aanka guddiga doorashada uu dalka halis galinayo haddii la fuliyo.

“Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynweynaha muddo xileedkiisa dhammaday, waxa ay halis gelinaysaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa ayna horseedaysaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha,” ayuu yiri.

Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed cabdulahi Farmaajo ayaa ku baaqay in la sii ab-qado wadahadaladii looga hadlayay doorashooyiinka.

“Maadaama aan lagu go’aamin karin hannaan hal dhinac ah iyo rabitaanka shakhsiyadeed masiirka siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka dowladnimada, waxaan ku baaqaynaa in la sii ambaqado wadahadalladii socday, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo degdeg ah” ayuu intaa ku daray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker