𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐞𝐟𝐭𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐛 𝐮𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kaddib safarro shaqo oo muhiim ah oo ay ku tageen dalalka Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Safarradan ayaa qayb ka ahaa dedaallada joogtada ah ee uu Madaxweynaha JSL ugu jiro xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, ballaadhinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta danaha istiraatiijiga ah ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, safarradani waxa ay abuureen fursado muhiim ah oo lagu sii xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, laguna kobcinayo danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee muhiimka u ah Jamhuuriyadda Somaliland.




