Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay baadhitaan ay ciidamada federaalka Maraykanku ku sameeyeen gurigeeda

Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka kana soo baxda gobolka Minnesota, ayaa ka hadashay baadhitaan ay ciidamada federaalku aroornimadii Isniinta ka sameeyeen gurigeeda oo ku yaalla agagaarka magaalada Washington, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay isku day lagu doonayo in lagu cabsi geliyo dadka siyaasiyan ka soo horjeeda Madaxweyne Donald Trump.

Xildhibaannadda ayaa qoraal ay ku baahisay barta X ku sheegtay in muddo toban sannadood ah uu Trump ku hayay eedaymo aanay sal lahayn iyo olole sumcad-dil ah. Waxay sheegtay in baadhitaanka gurigeedu yahay tallaabadii ugu dambaysay ee ay ku tilmaantay cadaadis siyaasadeed, iyadoo caddeysay inaanay ka aamusi doonin waxa ay u aragto weerarro lagu hayo.

Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in saraakiisha Waaxda Baadhista Amniga Gudaha ay fuliyeen amar baadhitaan oo ay maxkamaddu oggolaatay. Waaxdu waxay sheegtay in hawlgalku qayb ka yahay baadhitaan dembiyeed oo federaal ah, balse ma shaacin waxa la baadhayo ama eedaha gaarka ah ee lala xidhiidhinayo xildhibaannadda.

Hoggaanka Xisbiga Dimuqraaddiga ee Aqalka Wakiillada ayaa walaac ka muujiyey tallaabadan, iyagoo sheegay inay dhalinayso su’aalo culus oo ku saabsan adeegsiga hay’adaha dowladda ee ka dhanka ah dadka siyaasiyan ka soo horjeeda Trump. Hakeem Jeffries, Katherine Clark iyo Pete Aguilar ayaa bayaan ay soo saareen ku dalbaday in si cad loo shaaciyo sababta baadhitaanka, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku takri-fasha awoodda dowladda.

Tom Homan, oo ah masuulka maamulka Trump u qaabilsan arrimaha xuduudaha, ayaa hore u sheegay in arrimo la xidhiidha Ilhaan Cumar ay ku jiraan baadhitaan, balse aanu bixin karin faahfaahin. Homan ayaa Isniintii xaqiijiyey in amarka baadhitaanka la fuliyey, isaga oo sheegay in xogta dheeraadka ah laga sugayo masuuliyiinta Waaxda Caddaaladda iyo Waaxda Amniga Gudaha. Sida ay CNN sheegtay, saraakiishu waxay guriga ka saareen sanduuqyo, waxaanay sawirro ka qaadeen xaaladda guriga ka hor intii aanay goobta ka tegin.

Baadhitaanku wuxuu imanayaa toddobaadyo kooban ka hor doorashada dhexe ee Maraykanka, xilli Ilhaan Cumar ay isu diyaarinayso inay mar kale u tartanto kursigeeda Aqalka Wakiillada. CNN waxay sheegtay in in ka badan 127,000 oo qof ay codkooda ka dhiibteen gobolka Minnesota, halkaas oo codbixintu hore uga bilaabatay. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Waaxda Caddaaladdu leedahay xeerar looga golleeyahay in baadhitaannada iyo dacwadaha aan loo adeegsan saamayn ku yeelashada doorashooyinka, gaar ahaan muddada 60-ka maalmood ah ee ka horraysa maalinta codbixinta. Ilo xog-ogaal ah ayaa CNN u sheegay in hoggaanka sare ee waaxdu oggolaaday baadhitaanka kadib wada-tashi dheer, isla markaana garsoore federaal ahi ansixiyey amarka.

Ilhaan Cumar waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxaanay Maraykanka tagtay iyadoo da’yar kadib markii ay ka soo qaxday dagaalladii sokeeye, iyadoo markii dambe qaadatay dhalashada dalkaas. Waxa markii ugu horraysay loo doortay Aqalka Wakiillada sannadkii 2018-kii, waxaanay ka mid noqotay siyaasiyiinta sida weyn loogu yaqaan mowqifyadooda horumarka bulshada. Madaxweyne Trump iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulkiisa ayaa hore ugu eedeeyey inay walaalkeed u guursatay si uu Maraykanka ku galo, hase yeeshee CNN waxay sheegtay inaanay soo bandhigin caddayn taageeraysa eedayntaas. Ilaa hadda, masuuliyiintu ma shaacin in eedaymahaasi xidhiidh toos ah la leeyihiin baadhitaanka gurigeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker