Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Eritrea
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo ka digtay in dagaal hor leh oo ka qarxa waqooyiga Itoobiya uu saameyn ku yeelan karo amniga iyo dhaqaalaha guud ahaan Geeska Afrika.
Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali Nadaar, ayaa wareysi uu siiyay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga ku sheegay in dowladda Muqdisho ay xiriir wanaagsan la leedahay labada dal, isla markaana aysan dooneyn inay ku lug yeelato khilaafkooda.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si dhow ula socoto xaaladda gobolka, iyadoo mudnaanta siinaysa ilaalinta danaha dalka iyo ka fogaanshaha isku dhacyada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka deriska ah.
Xiisadda labada dal ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Itoobiya ay Eritrea ku eedeysay inay taageerto kooxo hubeysan oo ka dagaallama dowladda federaalka, gaar ahaan gobolka Tigray. Eritrea ayaa marar badan beenisay eedeymahaas.
Wararka ka imanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo Eritrean ah ay galeen deegaanno ka tirsan Tigray, halkaas oo ay ka jiraan isku dhacyo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa gobolka, sida ay sheegeen dad deggan magaalada Adigrat.
Dagaallada cusub ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), iyadoo labada dhinac ay isku eedeynayaan jebinta heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la saxiixay bishii Nofeembar 2022.
Mowqifka Soomaaliya ayaa sidoo kale su’aalo ka dhaliyay ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalay shir afar geesood ah oo ka dhacay magaalada El Alamein ee dalka Masar, kaas oo ay ka soo qayb galeen hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea iyo Suudaan.
Falanqeeye amni oo lagu magacaabo Axmed Kabole ayaa su’aal geliyay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waafaqsan yihiin dhexdhexaadnimada ay ku dhawaaqday, halka aqoonyahan Liibaan Cigaal uu ku baaqay in Muqdisho ay ka fogaato inay dhinac la safato isbahaysiyada iska soo horjeeda ee gobolka.
Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo beegmaysa xilli Geeska Afrika uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed oo isku xiran, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in isku dhac cusub uu saameyntiisa ku fidiyo dalalka deriska ah.




