𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐲𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Caymiska Qaranka JSL oo ka qabsoomay Hoteel Damal Hargeysa, kaas oo socon doona 12 ilaa 13 Oktoobar, 2026-ka.
Shirweynaha Caymiska Qaranka JSL oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro iyo xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Hay’adaha Qaranka, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Gudoomiyaha Baanka Somaliland, Taliyaha Ciidanka Booliska, Ganacsatada waaweyn ee dalka, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyeyaal kale.
Sidoo kale, Shirweynaha Caymiska Qaranka JSL oo ahaa mid heer Caalami ah, waxa ka soo qayb galay wufuud ka socday waddamo badan, gaar ahaan: Maraykanka, Ingiriiska, Israa’iil, Qubrus, Itoobiya, Kenya, Ghana, South Sudan iyo Pakistan.
Munaasibadda Shirweynaha Caymiska Qaranka oo ay si heer sare ah u soo agaasimeen madaxda sare iyo hawl-wadeennada Hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa ujeeddada iyo hadafka guud ee Shirka waxa sharraxaad iyo faahfaahin dheer ka bixiyey Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Qaranka.
Masuuliyiinta sare ee Hay’adda Caymiska Qaranka waxa ay si qoto dheer u iftiimiyeen muhiimadda iyo faa’iidada uu Caymisku u leeyahay dadka iyo dalka Somaliland, dhameystirka Qorsheyaasha lagu hirgelinayo adeegyada Caymiska Gaadiidka lagu waajibiyey, Caymiska Caafimaadka iyo Caymisyada kale ee saldhigga u ah horumarka dhaqaalaha dalka, maadaama mudnaanta koowaad ee Qorshaha Qaranka ee uu horseedka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay horumarinta dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo Shirweynaha hadal ka jeediyey ayaa xusay in Caymiska Qaranku uu yahay tiir muhiim u ah adkaynta dhaqaalaha, ilaalinta hantida iyo nolosha muwaadiniinta, dhiirrigelinta maalgashiga iyo xoojinta cududda dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Caymisku uu yahay hannaan Qaran oo kobciyanaya kalsoonida bulshada, yaraynaya khataraha, isla markaana aasaas u noqon kara horumar la taaban karo iyo mustaqbal dhaqaale oo sugan.
Madaxweyne-ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa ku dheeraday mihiimada uu Caymisku u leeyahay Qaranka JSL, waxana uu yidhi:
“Shirweynahani mihiimmad weyn buu Qaranka u leeyahay waanan soo dhawaynayaa, Shacabka JSL waxa aan leeyahay Gadiidkiina Caymiska galiya faaiido badan ayuu leeyahay.
Waxa aan farayaa in dhammaan Gadiidka Dawladda la wada galiyo Caymiska Qaranka. Shirweynaha sannadka dambe waa in aynu soo bandhigno barnaamijka Caymiska Qaranka oo hirgalay. Sanadka soo socda ee 2027-ka, bisha Jeenawari, si rasmi ah ayuu u bilaamayaa Caymisku.”
“Caymisku faaiido balaadhan ayuu u leeyahay dhinac walba oo ay ka mid tahay kobaca dhaqaalaha iyo nabadgelyada gadiidka. Waxa aan halkan ka caddaynayaa in Caymisku aanu ka hor imanayn Diinteenna Suubban, waxana innoo bayaamiyey Wasirkeenna Diinta iyo Awqaafta JSL.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker