Laba qof oo ku dhintay, afar kalena ku dhaawacmay rasaas ka dhacday suuq ku yaalla Garoowe

Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay goob ganacsi oo ku taalla suuqa Inji ee magaalada Garoowe.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dhacdadan, ninka hubaysan ayaa rasaas ku furay suuqa kabaha lagu iibiyo ee ku dhex yaalla suuqa Inji, oo ka mid ah goobaha ganacsi ee mashquulka badan ee magaalada Garowe.

Rasaasta ayaa sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca afar kale, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Guud ee Garoowe si xaaladdooda caafimaad loola tacaalo.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhaawacmay isagoo dhintay la keenay, halka qofka labaad uu u dhintay dhiig-bax, inkasta oo dadaal caafimaad loo sameeyay. Waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu culus tahay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ka hor inta aan rasaastu dhicin uu muran dhexmaray ninka hubaysan iyo rag kale oo goobta ku sugnaa, kaas oo markii dambe isku beddelay gacan ka hadal iyo rasaas.

Ninka falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday. Warar aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in ninku uu cabsanaa maandooriyaha Qamriga.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysay dhacdadan. Laamaha amniga iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin dhacdadan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker