Somaliland oo sheegtay in shirka Masar aanu waxba ka badalayn mustaqbalkeeda siyaasadeed
Danjiraha Somaliland u fadhiya Israaโiil, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen madaxda Soomaaliya, Ereteriya, Masar iyo Suudaan, kaas oo la sheegay in looga soo horjeeday aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in shirarka siyaasadeed aanay awood u lahayn inay goโaan ka gaadhaan mustaqbalka Somaliland.
Maxamed Xaaji oo faallo ka bixiyey kulankaasi ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ay abuuri karaan cinwaanno warbaahineed, balse aanay awood u lahayn inay Somaliland ka hor istaagaan mustaqbalkeeda, tirtiraan taariikhdeeda, madaxbannaanideeda ama rabitaanka shacabkeeda.
Danjiruhu waxa uu sheegay in kulankaasi aanu khatar ku ahayn oo keliya danaha Somaliland, balse uu sidoo kale wax u dhimayo danaha istaraatiijiyadeed ee dalal muhiim ah oo ku yaalla gobolka iyo dalalka deriska la ah Somaliland.
Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyey Dowlada Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay maamul fashilmay, isla markaana sheegay in loo adeegsanayo awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.
โU adeegsiga maamulka fashilmay ee Muqdisho sidii awood wakiil ah oo lagaga soo horjeedo Somaliland iyo saaxiibadeeda kale ee muhiimka ah ee gobolka iyo meelo ka baxsan weligiis ma shaqayn doono,โ ayuu yidhi Maxamed Xaaji, sida uu ku sheegay faalladiisa.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii socdaan doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, iyadoo dhinacyada taageersan aqoonsigeeda iyo kuwa ka soo horjeedaba ay isku dayayaan inay xoojiyaan mowqifyadooda siyaasadeed ee heer gobol iyo heer caalami.
Hadaba, madaxda dowladaha Soomaaliya, Eriteriya, Suudan iyo Masar oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Masar, ayaa cambaareeyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil iyaga oo sheegay in uu dhaawacayo madaxbanaanida Soomaaliya.




