Mareykanka oo tilmaamay shaqsiyaadka arrinta Iran ay kala hadlayaan iyo waxa ay kala hadlayaan

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa Reuters u sheegay in Washington ay weli wadahadallo kula jirto madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.

Vance ayaa sheegay in soo afjaridda dagaalka ay u baahan tahay in Iran ay si โ€œmacno lehโ€ u yareyso awoodda ay u leedahay kobcinta uranium-ka, halkii ay kaliya ballanqaadi lahayd inay mustaqbalka yareyn doonto.

Vance oo wareysi siiyay Reuters kaddib markii uu ka qeyb galay isu-soo-bax ololaha xisbiga Jamhuuriga ee Alaska, ayaa sheegay in Washington aysan hubin sida Tehran u gaari doonto goโ€™aannada la xiriira wadahadallada nukliyeerka.

Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu dambeysa ee dagaalku tahay in laga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka ee Bariga Dhexe.

Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray hadal-heynta ku saabsan inuu u tartami karo doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2028, isagoo sheegay in hadda diiradda uu saarayo guusha xisbiga Jamhuuriga ee doorashooyinka dhexe ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker