Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay weli dooneyso inay dib u hagaajiso xidhidhka Imaaraadka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Muqdisho ay dooneyso in khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta xal laga gaaro, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay weli diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka labada dal, inkastoo ay jiraan kala aragti duwanaansho la xiriira Somaliland iyo arrimaha amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Al Jazeera Carabi ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu horey u ahaa mid dhow, gaar ahaan dhinacyada amniga, balse uu xumaaday kadib markii, sida uu sheegay, Abu Dhabi ay garab istaagtay gooni goosashada maamulka Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kansashay heshiisyo ay Imaaraadka la lahayd oo la xiriiray amniga iyo difaaca, hase yeeshee ay weli sii socdaan xiriirka diblomaasiyadeed iyo safaaradaha labada dal.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay isku dayday inay dib u hagaajiso xiriirka Imaaraadka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dhinac. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadku uu horey Soomaaliya uga taageeri jiray dhinaca amniga, taas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah xiriirkii dhowaa ee labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan xiriirka iyo heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka jartay kadib markii ay ku eedeysay Abu Dhabi tallaabooyin ay u aragtay inay dhaawacayaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka Imaaraadka la leeyahay Somaliland iyo heshiisyada amni ee uu la galay maamullo ka baxsan dowladda.
Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib dhacdooyin la xiriiray Somaliland iyo arrimaha Yemen, iyadoo Muqdisho ay sheegtay in kalsoonidii ay ku qabtay iskaashiga Imaaraadka ay meesha ka baxday.




