Kenya oo sheegtay in ay aqoonsatay 57 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii Ebolaha u dhintay
Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay 57 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii ugu horreeyay ee Ebola qaba ee dalka laga helay, iyadoo 10 ka mid ahaa dadkaas la karantiilay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa xoojinaysa la socodka iyo raadinta dadka la kulmay bukaanada.
Xoghayaha Joogtada ah ee Caafimaadka Dadweynaha Mary Muthoni ayaa sheegtay in tirada dadka xiriirka la sameeyay dadkaas filayo inay kororto iyadoo saraakiisha caafimaadku ay sii wadaan raadinta dadka la aqoonsaday inta lagu jiro baaritaanka bilowga ah.
Muthoni waxay sheegtay in dhammaan mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka oo dhan la ogeysiiyay si loo hubiyo in kiisaska looga shakisan yahay Ebola la aqoonsado oo si dhakhso ah wax looga qabto.
Waxay ka hadlaysay shirka daneeyayaasha ee ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Nairobi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, ayaa sheegay in nidaamka caafimaadka ee dalka uu sii wado diyaar garowga, iyadoo mas’uuliyiintu ay la socdaan wax kasta oo cusub iyo sidoo kale inay diyaariyaan xarumo dheeraad ah haddii loo baahdo.




