32 qof oo ku dhintay diyaarad ku burburtay Nigeria

Diyaarad milateri oo Nigeria leedahay oo ka duushay magaalada Benin City kuna sii jeedday Lagos ayaa Isniintii ku burburtay gobolka Ondo ee koonfur-galbeed dalka, waxaana ku dhintay 25 rakaab ah iyo toddoba xubnood oo shaqaalihii diyaaradda ah.

Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa xaqiijiyay warkan, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka.

Wasiirka Duulista Hawada ee dalka, Festus Kiamu, ayaa sheegay in diyaaradda ciidamada cirka oo ahayd nooca ATR-42 ay ku jirtay hawlgal caadi ah oo ay uga soo duushay Benin City kuna sii jeedday Lagos, markii munaaradda hagista duulimaadyadu ay xiriirka weyday diyaaradda 07:13 subaxnimo xilliga maxalliga ah ee maanta Isniintii.

Dhacdadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah shilalkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa ee Nigeria ka dhacay sannadihii u dambeeyay.

Haraaga diyaaradda ayaa markii dambe laga helay meel u dhow magaalada xeebta ku taalla ee Igbokoda, waxaana goobta loo diray kooxaha gurmadka iyo samatabbixinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker