Mareykanka oo weerar ku laayay dad doon saarnaa
Taliska Mareykanka ee Koonfurta ayaa Axaddii, weerar ku qaaday doon kuwa dheeraysa ah oo uu sheegay inay ku shaqaynaysay waddooyin loo adeegsado tahriibinta daroogada ee Kariibiyaanka.
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in afarta qof ee doonta saarnaa, oo uu ku tilmaamay “argagixisada daroogada”, lagu dilay weerarka.
Si kastaba, Mareykanku ma uusan shaacin nooca daroogada ama caddeymaha muujinaya waxa doonta ay sidday.
Hawlgallada noocan ah ayaa hore loogu dhaleeceeyay dhinaca sharciga caalamiga ah, iyadoo qaar ka mid ah khubarada ay ku eedeeyeen Mareykanka inuu galay dambiyo dagaal.
Aqalka Cad iyo Pentagon-ka ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah daroogada iyo in kooxaha daroogada lagu daray liiska ururrada “argagixisada ah




