Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Tigray inay muujiyaan is-xakameyn, xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay sii adkaysanayaan gacan-ku-hayntooda caasimadda gobolka ee Mekelle.

Hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Itoobiya ayaa la filayaa inay xiili dambe maanta oAxadda ah ku kulmaan Masar.

Addis Ababa ayaa Qaahira, iyo sidoo kale Eritrea, ku eedeysay inay taageerayaan jabhadaha Tigray, kuwaas oo weerar qaaday 11 maalmood ka hor.

Hadda waxay dib uga gurteen goobihii ay joogeen, iyaga oo bilaabay inay qaadaan dagaal dhuumaaleysi ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay khalkhal geliyaan xasilloonida gobolka oo dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker