Muqdisho: Itoobiya naguma wargelin qorshe ay ciidamadeeda Soomaaliya uga saarayso

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax ogeysiis ah ka helin Itoobiya oo ku saabsan qorshe ay ciidamadeeda uga saarayaan Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegtay in Addis Ababa ay qorshaynayso inay Soomaaliya  kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari.

Warbixin ay dhawaan Bloomberg baahisay ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka bixi karaan Soomaaliya maalmaha ama toddobaadyada soo socda, iyadoo dagaallada dib uga qarxay Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, ay dowladda Addis Ababa ku qasbayaan inay ciidamo u wareejiso gudaha dalka.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Bloomberg ayaa u sheegay in Muqdisho aan loo soo gudbin wax qorshe rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada Itoobiya. Sida laga soo xigtay warbixinnada, Itoobiya sidoo kale si rasmi ah uma aysan xaqiijin qorshaha la sheegay.

Ilaa hadda ma cadda tirada ciidamada dhab ahaan laga saari karo Soomaaliya iyo goobaha ay ka howlgalaan. Sidoo kale lama xaqiijin in qorshuhu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada ku jooga heshiisyada amni ee labada dal, ama labada qaybood.

Itoobiya waxay Soomaaliya ku leedahay kumannaan askari oo qayb ka mid ah ay ka howlgalaan AUSSOM, halka ciidamo kale ay ku joogaan heshiisyo amni oo laba geesood ah. Addis Ababa ayaa muddo dheer kaalin ku lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda labada dal.

Wararka ku saabsan bixitaanka ciidamada ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay dib uga bilowdeen waqooyiga Itoobiya, iyadoo ciidamada dowladda iyo xoogagga Tigray ay isku dhaceen. Reuters ayaa maanta sheegtay in ciidamada federaalka Itoobiya ay dib ula wareegeen garoonka diyaaradaha Alula Aba Nega ee magaalada Mekelle, taas oo muujinaysa inuu dagaalku sii xoogeysanayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker