Qiimaha naaftada UK ayaa heerkii ugu sareeyay gaadhay

Celceliska qiimaha naaftada ee UK ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida ay sheegtay hay’adda gaadiidka ee RAC. Markii ugu horeysay halkii liitar oo naafto ah ayaa noqday £2.

Qiimo kororkan ayaa soo baxay kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu ka dalbanayo dalalka Yurub in ay fasaxaan keydka naaftada maadama uu isaga joojinayo naaftada uu dhoofiyo.

Tallabadan ayaa hoos u dhigtay qiimaha naaftada gudaha Mareykanka balse khubaradu waxay ka digeen in ay cadaadis saareyso dalal kale maadama uu sii socdo dagalka Iran.

Wasiirka gaadiidka UK Keir Mather ayaa sheegay in keydka UK uu xooggan yahay isla markaana wadanku leeyahay ilo sahay oo kala duwan.

Kalluumaysatada ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ganacsigooda joogsado haddii dowladda aysan ka caawin kharashaadka shidaalka.

Malaayiin qof oo ku nool UK ma kaxeeyaan baabuur naafto ku shaqeysa. Qaar badan xitaa gaari ma kaxeeyaan.

Laakiin qiimaha kordhay qof kasta ayuu saameynayaa. Naaftada waxaa si weyn loogu isticmaalo beeraha, iyo gaar ahaan, gaadiidka xamuulka oo inta badan cuntada lagu geeyo dalka oo dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker