Dagaalka ka socda agagaarka magaalada Taciz ayaa sii xoogeysatay
Dagaal aad u weyn ayaa ka socda Koonfur Galbeed Yemen kaas oo u dhexeeya Xuutiyiinta Iran taageerto iyo ciidamada Sacuudigu taageeraan ee dowladda caalamku aqoonsan yahay.
Ku dhawaad 80 dadka dagaalka ku jiray ayaa la aaminsan yahay in ay shalay dhinteen. Hareeraha magaalada Taciz ayaa ah meelaha ugu daran ee dagaalka ka socda, wuxuuna ku fiday dagaalka dhulka buuraleyda ah ee ka sareeya Badda Cas.
Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP ayaa ka digtay in ay gaajado kordheyso iyadoo dad aad u badan aysan awoodin in helaan cuntada ay u baahan yihiin.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay dagaalka ka qaxeen 150 kun dad gaaraya.




