Golaha Baarlamaanka DDS oo ansixiyey lix wakiil oo deegaanka Soomaalida ku matalaya Golaha Federaalka Itoobiya

Golaha Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ansixiyey lix wakiil oo deegaanka ku matalaya Golaha Federaalka Itoobiya (JDFI), kaddib kulan ay yeesheen xildhibaanada Golaha 7-aad ee deegaanka.

Wakiillada la ansixiyey ayaa waxaa ku jira Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, oo maanta mar kale loo ansixiyey inuu sii hoggaamiyo maamulka deegaanka.

Sidoo kale, Golaha ayaa wakiillada deegaanka u ansixiyey Ibraahim Cusmaan Faarax, oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka DDS, iyo Eng. Maxamed Shalle Isxaaq, oo ah Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

Liiska waxaa sidoo kale ku jira Cabdiraxmaan Axmed Xasan, Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, iyo Mubashir Dubad Raage, oo ah Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS.

Wakiilka lixaad ayaa ah Marwo Xanaan Cabdow, oo ah Afhayeen-ku-xigeenka Golaha Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Golaha Federaalka Itoobiya ayaa ah hay’ad ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya, waxaana xubnihiisa matala dowlad-deegaannada dalka iyo magaalada caasimadda ah. Golaha ayaa door ku leh arrimaha dastuurka iyo matalaadda danaha dowlad-deegaannada federaalka.

Ansixinta lixdan wakiil ayaa ka dhigan in Dowlad Deegaanka Soomaalidu ay yeelan doonto wakiillo cusub oo ku matala Golaha Federaalka Itoobiya, iyadoo xubnaha la ansixiyey ay ka kala tirsan yihiin hoggaanka sare ee maamulka deegaanka, Golaha Xildhibaanada iyo Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker