Dad deggan Addis Ababa oo sheegay inay saqdii dhexe ee xalay maqleen qaraxyo

Saddex qof oo ku nool meelo kala duwan oo Addis Ababa ah, kuwaas oo BBC ay la hadashay, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan wax yar kaddib 6-dii fiidnimo ee xalay.

Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed, ayaa sheegtay in qarax laga maqlay Addis Ababa abbaaraha saqdii dhexe ee Arbacadii.

Dadka BBC la hadashay ee ku nool deegaannada Gotera iyo Bethel ayaa sheegay inay maqleen qaraxa wax yar kaddib 6:20 am subaxnimo.

Dadka deggan deegaanka Gotera, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo amni awgood, ayaa sheegay inay maqleen “qarax xooggan oo ruxay dhismaha ay ku noolaayeen” abbaaraha 6:20 subaxnimo , xilli ay fadhiyeen oo shaqaynayeen.

“Qaraxu aad buu u xoog badnaa; wuxuu kiciyay alaarmiyada baabuurta,” ayuu yiri qofka deggan deegaanka oo BBC u sheegay inuu qaraxa maqlay intii u dhexeysay 6:20 iyo 6:30 subaxnimo.

Qofka ayaa sheegay inuu gurigiisa ka baxay si uu u ogaado waxa dhacay, balse uusan arkin wax dhaqdhaqaaq gaar ah.

Isku dayo lagu ogaanayay in qaraxu ka yimid dhanka xarunta ciidamada ama Qaybta Afraad ayaa lagu guulaysan waayay.

Nin kale oo dhallinyaro ah, oo sheegay inuu deegaanka Bethel “ciyaar ku jiray”, ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibbadiis ay maqleen qarax. Wuxuu sheegay in qaraxu laga yaabo inuu ka yimid xarunta Ciidamada Difaaca Itoobiya, oo ku taalla meel u dhow gurigooda.

BBC-du kama helin wax jawaab ah codsiyadii ay telefoon iyo iimayl ugu dirtay Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo sidoo kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker