Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ka falceliyey hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee aqoonsiga Israa’iil

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee KAAH iyo KULMIYE ayaa si kala duwan uga jawaabay hadal uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ka sheegay mowqifka bulshada Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo waraysi siiyey Dawan TV ayaa sheegay in qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, oo ay ka mid yihiin culimada, madax-dhaqameedka iyo xisbiyada siyaasadeed, aanay taageersanayn aqoonsiga Israa’iil.

Cabdirakiim Maxamed, oo kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KAAH, ayaa sheegay in hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka dhashay faham aan sax ahayn oo laga qaatay doodaha siyaasadeed ee Somaliland.

Cabdirakiim ayaa sheegay in kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee gudaha Somaliland aanu meesha ka saarayn waxa uu ku tilmaamay mowqifka guud ee bulshada Somaliland ee ku saabsan aaya-ka-tashiga iyo dawladnimada Somaliland.

Waxa uu xusay in culimada, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada Somaliland ay leeyihiin aragtiyo kala duwan oo ku saabsan arrimaha siyaasadeed, balse aan taas loo fasiri karin inay ka soo horjeedaan qaddiyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa kaga hadlay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in KULMIYE uu taageersan yahay aqoonsiga Israa’iil, isla markaana aanu xisbigoodu ka laaban doonin mowqifkaas.

“Mar kale KULMIYE waxa uu caddaynayaa in aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil aanu ahayn arrin laga wada xaajoon karo, waanan taageersannahay,” ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay aqoonsato Somaliland, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay weli haysato fursad ay tallaabadaas ku qaadi karto. Sidoo kale waxa uu dalalka gobolka ugu baaqay inay aqoonsadaan Somaliland.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, iyadoo noqotay waddankii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee qaada tallaabadaas.

Somaliland ayaa sheegatay inay ka goday Soomaaliya sannadkii 1991, iyadoo tan iyo xilligaas si gaar ah isu maamuleysay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker