Shirkadaha Cumrada dadka geeya ee muuqaallada ka duuba oo laga cabanyo

Atariishada caanka ah ee Kannywood, Rahama Sadau, ayaa ka cabatay habka ay qaar ka mid ah shirkadaha safarradu u duubaan muuqaalada dadka u safray dhulka barakeysan si ay Cumro ugu soo gutaan, iyagoo qayb ka dhigaya dadaalladooda suuq-geynta.

Rahama Sadau ayaa qoraal ay ku baahisay Instagram-keeda ku sheegtay inay doonaysay inay soo cumraystaan iyada iyo koox kale, balse habka ay shirkadaha qaar u dhaqmaan uu niyad-jab ku yahay.

Waxay sheegtay in Cumradu ay tahay cibaado, ayna habboonayn in loo beddelo fursad lagu sameeyo sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyo baraha bulshada.

Qoraalkeeda waxaa ka falceliyay dad badan, waxaana ka mid ahaa caalimka caanka ah Mufti Menk, oo u soo jeediyay shirkad ay Cumrada u raaci karto, isaga oo sheegay inay u oggolaato dadka gudanaya Cumrada inay cibaadadooda si gaar ah u gutaan.

Mufti Menk ayaa sidoo kale sheegay in xilligan dad badan ay ku dhiiradaan Cumrada kaddib markii ay arkaan dad kale oo gudanaya, balse uu ku booriyay inaan sawir qaadashadu noqon waxa ugu weyn ee diiradda la saaro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker