Saddex badmaax oo Pakistani ah oo lagu dilay howlgalka lagu soo furtay markabka Honour 25

Saddex badmaax oo u dhashay Pakistan ayaa ka mid noqday shan shaqaale ah oo lagu dilay markabka MT Honour 25, xilli ciidamada badda ay isku dayayeen inay ka soo furtaan markabka koox burcad-badeed Soomaali ah, sida ay sheegeen laba ka mid ah shaqaalihii ka badbaaday dhacdada.

Sida ay wargeyska The Express Tribune u sheegeen ururka Ansar Burney Welfare Trust, burcad-badeeddu waxay rasaas aan loo meel dayin ku fureen shaqaalihii ay afduubka ku haysteen xilli ay markabka ka baxsanayeen, kadib markii ay ciidamada Puntland bilaabeen howlgalka lagu soo furanaayay.

Markabka Honour 25 ayaa burcad-badeeddu qabsadeen 21-kii Abriil, xilli uu marayay meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha Puntland, isagoo ka yimid Cumaan kuna socday Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Badda Puntland ayaa Talaadadii sheegay inay howlgal ka sameeyeen xeebaha Dharin-baar ee degmada Bandar Bayla, kaas oo lagu soo furtay markabka.

Saddexda Pakistani ah ee la dilay ayaa lagu kala magacaabay Kashif Umar, oo ahaa sarkaalka labaad ee markabka, Mahmood Ansari, oo ahaa injineerka saddexaad, iyo Rafiullah, oo ahaa shaqaalaha kuleyliyaha markabka. Saddexduba waxay ka soo jeedeen magaalada Karachi.

Labada kale ee la dilay ayaa kala ahaa Tanveer, oo u dhashay Hindiya, iyo injineerka sare ee markabka oo u dhashay Myanmar.

Afarta shaqaale ee kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada, halka shaqaale kale oo ay ku jiraan Hussain Yousuf, Imran Ali iyo Yaseen ay badbaadeen.

Warbixintu waxay sheegtay in burcad-badeeddu, intii ay baxsanayeen, ay sidoo kale waxyeelleeyeen nidaamka hagidda markabka, taasoo ka dhigtay inuusan si madax-bannaan u socon karin.

Markabka oo ka babanayay calanka Palau ayaa lahaa 17 shaqaale ah, oo ay ku jireen 10 Pakistani ah. Qoysaska shaqaalaha ayaa muddo bilo ah sameeyay mudaharaadyo iyo codsiyo ay dowladda Pakistan ugu baaqayeen inay soo furto eheladooda.

Burcad-badeeddu waxay markii hore dalbadeen 3 milyan oo dollar oo madax-furasho ah, balse markii dambe waxay lacagta ka dhigeen hal milyan oo dollar.

Howlgalkan ayaa sidoo kale yimid maalmo kadib markii ciidamada Puntland ay soo furteen markabka Sibu 1, balse 28 ka mid ah 41 burcad-badeed ah oo lagu qabtay howlgalkii ayaa markii dambe ka baxsaday xilli xabsiga loo sii gudbinayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker