Nuxurka Qodobada lagaga Wadahadaly Shirkii Golaha Wasiirada ee Somaliland

Fadhigii 76-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 76-aad waxa ka mid ahaa:
๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ง๐ข๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo xusay in amniga guud ee dalku uu sugan yahay. Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay sida nabadgelyada iyo kala dambaynta leh ee ay u hirgashay Munaasibaddii Sannadlaha ahayd ee Kulanka Islaamka Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen dad ka badan 150,000 oo qof oo ka kala yimid daafaha dunida, taas oo si dhab ah u muujisay xasilloonida iyo amniga buuxa ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka warbixiyey ka-qaybgalka Somaliland ee shir caalami ah oo lagaga hadlayey ka-hortagga iyo maaraynta masiibooyinka iyo aafooyinka, shirkaasi oo lagu qabtay dalka Taiwan, iyada oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 130 dal. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in shirkan caalamiga ah Somaliland laga siiyey hab maamuus heer sare ah, iyaga oo Wasiirka iyo weftigiisu kulamo la yeeshay Madaxweynaha dalka Taiwan iyo masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, hoggaanka Dab-damiska iyo hayโ€™ado kale.
Wasiirku waxa uu Dawladda Taiwan uga mahad naqay taageerada, iskaashiga iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Taiwan ka waddo Somaliland, isaga oo ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan mashaariicda waxtarka u leh nolosha bulshada JSL.
๐Ÿ. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Dr. Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan Dib-u-habaynta Shuruucda Maamulka Maaliyadda, gaar ahaan Xeerka Dakhliga Guud iyo Xeerka Maamulka Maaliyadda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha faahfaahinaya habraacyada iyo hannaanka lagu dhaqan-gelinayo xeerarkan.
Dhinaca kale, Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha la wadaagay dedaallada iyo mudnaanta ay Wasaaraddu siinayso dar-dargelinta Dakhliga ku odorosan Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Dawladda, maadaama uu qayb muhiim ah ka yahay xoojinta maamulka Maaliyadda iyo kordhinta Dakhliga Qaranka.
Ugu dambayn, Wasiiru-Dawluhu waxa uu xusay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka iyo saamaynta adag ee ay xiisadaha ka jira Bariga Dhexe ku yeesheen dakhliga Qaranka iyo nolosha bulshada Somaliland. Xagga diyaarinta iyo soo gudbinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2027-ka, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay ku socoto jadwalkii iyo habraacyadii loo dejiyey diyaarinta Miisaaniyadda.
๐Ÿ‘. ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐œ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐จ๐๐ก๐ค๐š ๐๐ข๐ข๐ฆ๐š ๐๐š๐๐ž๐ž๐œ๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa shirkii Golaha Wasiirrada ka jeediyay warbixin la xidhiidha maciishadda dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in todobaadkii u danbeeyay wax isbedel ahi aanu ku iman, marka laga reebo qiimaha roodhida laydhka oo warshadaha soo saaraa ay si wada jir ah u kordhiyeen, balse ay Wasaaraddu joojisay kordhintaa, waxaase wali jirta in arrinta sarrifka suuqa oo aan xasilloonayni ay saamaysay qiimihii badeecadaha, gaar ahaanna ay saamayn taban ku yeelatay dadkii danyarta ahaa ee markii horeba ay awooddooda wax iibsigu hoosaysay.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Baanka Dhexe ay wadaan dedaallo iyo shirar ay kaga arrinsanayaan sidii arrintaa wax looga qabanlahaa.
๐Ÿ’. ๐๐š๐›๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ž๐ซ๐จ๐๐ค๐š ๐‡๐š๐ฅ๐Ÿ-๐Œ๐š๐ก๐ซ๐š๐ญ๐จ๐จ๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ค๐š ๐ช๐š๐›๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐š ๐ŸŽ๐Ÿ.๐Ÿ๐ŸŽ.๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”-๐ค๐š:
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay qabashada tartanka orodka Half-Maaratoonka ee lagu qaban doono Somaliland, magaalada Hargeysa, Jimcaha 2-da Oktoobar 2026, kaas oo ay ka qayb-galayaan orodyahanno ka kala socda 9 dal.
Wasiirku waxa uu xusay muhimadda uu tartankani u leeyahay kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka Jamhuuriyadda Somaliland, xoojinta is-dhexgalka dhallinyarada iyo ciyaartoyda gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyo abuurista fursado ay Orodyahannada Somaliland ku kobcin karaan khibraddooda.
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in tartannada noocan ahi ay dhiirrigelinayaan Orodyahannada dalka, isla markaana ay u gogol-xaadhayaan in ay si firfircoon uga qayb-qaataan tartamada orodka ee heer gobol iyo heer caalami, taas oo qayb ka ah horumarinta ciyaaraha iyo kobcinta kartida dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.
๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐—๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐š๐๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐๐ก๐จ๐จ๐Ÿ๐ค๐š, ๐๐ก๐š๐ช๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ฌ๐ก๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š:
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay warbixin qoto dheer oo la xidhiidha korodhka weyn ee ku yimid dhoofka xoolaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo Qorshe Qaran oo dhamaystiran oo lagu horumarinayo dhaqashada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo daryeelka xoolaha dalka. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Wasaaraddu ay si weyn kor ugu qaadday daaweynta iyo tallaalka Xoolaha nool, gaar ahaan xanuunnada degel-joogga ah.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ganacsiga xooluhu uu yahay laf-dhabar dhaqaale oo si toos ah u taabta nolosha qaybo badan oo ka mid ah bulshada JSL, sidaas darteedna loo baahan yahay in loo wajaho si ka duwan habkii hore ee dhaqashada Xoolaha.
Wasiirku waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay muhimadda ay leedahay in Qaranka JSL uu si istiraatiji ah ugu diyaar-garoobo tartanka sii kordhaya ee suuqyada xoolaha iyo dhoofintooda, isaga oo mar kale si adag u soo jeediyey in si degdeg ah loo dhiso loona qalabeeyo Deked u gaar ah dhoofka xoolaha (Livestock Terminal in Berbera), taas oo kor u qaadi karta tayada iyo tartanka dhoofka xoolaha Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker