Diyaarad Flydubai ah oo burburi gaadhay kaddib markii ay dagaalameen labadii duuliye
Diyaarad ay leedahay shirkadda Flydubai oo ka duushay Dubai kuna sii jeedday Tel Aviv ayaa ku dhowaatay in ay dhacdo, kaddib markii sida ay sheegayaan warbixino aan weli si rasmi ah loo xaqiijin, uu dagaal dhex maray labadii duuliye ee diyaaradda.
Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu isku dayay in diyaaradda si ula kac ah dhulka ugu dhufto, iyadoo diyaaradda ay si aad ah hoos ugu dhacday, balse duuliyihii labaad uu la tacaalay oo uu isku dayay inuu ka hortago falkaas, taas oo ugu dambayn keentay in diyaaradda la xakameeyo oo si nabad ah loo dejiyo. Wararkan ayaa weli ah kuwo hordhac ah, mana jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay in duuliyuhu si ula kac ah u doonayay inuu diyaaradda dhulka ku dhufto.
Diyaaradda, oo ahayd Boeing 737 Max 8, ayaa markii ay dhacdadani dhex socotay dirtay calaamadaha xaaladda degdegga ah, waxaana markii dambe la adeegsaday koodhka loo isticmaalo in lagu muujiyo faragelin sharci-darro ah ama afduub diyaaradeed. Xogta Flightradar24 ayaa muujisay in diyaaradda ay si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 fuudh wax ka yar 30 ilbidhiqsi.
Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in labada duuliye ay isku faro saareen gudaha qolka duuliyeyaasha, iyadoo rakaabku ay sheegeen inay maqleen qaylo ka imaanaysa qeybta hore ee diyaaradda. Reuters ayaa soo xigatay sarkaal Israa’iili ah oo sheegay in xaaladdu ka dhalatay dagaal dhex maray labada duuliye, balse faahfaahinta sababta dagaalka iyo sida uu u dhacay ay weli baadhitaan ku jiraan.
Diyaaradda ayaa markii dambe ka weecatay jidkeedii, waxaana si nabad ah loogu dejiyay garoonka Tabuk ee waqooyi-galbeed Sacuudiga. Shirkadda Flydubai ayaa xaqiijisay in diyaaradda ay ka dhacday “dhacdo” intii ay safarka ku jirtay, iyadoo sheegtay in dhammaan rakaabka iyo shaqaaluhu ay badqabaan.
Dhacdada diyaaradan oo u socotay Israa’iil ayaa markii hore dhalisay walaac laga qabo afduub diyaaradeed, waxaana Israa’iil ay qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah. Hase yeeshee, saraakiil Israa’iili ah ayaa markii dambe sheegay in dhacdadu la xidhiidhay dagaalka dhex maray labada duuliye, iyadoo baadhitaanku uu weli socdo.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya sheegashada ah in mid ka mid ah duuliyeyaashu uu si ula kac ah isku dayay inuu diyaaradda dhulka ku dhufto.




