Dalka uu ka soo jeedo oo la ogaaday mid ka mida duuliyayayaashii caawiyey in diyaarada la dajiyo

Sida aan hore u soo sheegnay, rakaabku waxay warbaahinta Israa’iil u sheegeen in laba duuliye oo fadhiyay qaybta dambe ee diyaaradda ay ka caawiyeen in diyaaradda la dejiyo kaddib markii uu dagaal ama gacan-ka-hadal ka dhacay gudaha diyaaradda.

Rakaab kale oo lagu magacaabo Almog Itali ayaa warbaahinta u sheegay in labadan duuliye ay ahaayeen duuliyeyaal beddel ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay duuliyaan duulimaad kale oo xigay.

Itali wuxuu sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaashaas uu ahaa British, halka duuliyaha labaad uu ahaa Yurubiyiin, balse uusan sheegin jinsiyaddiisa.

Itali wuxuu sheegay in faahfaahinta saxda ah ee wixii ka dhacay qolka duulista aysan weli caddayn, balse uu sheegay in duuliyeyaashii ay xakameeyeen diyaaradda oo ay si nabadgelyo ah ugu dejiyeen Sacuudi Carabiya.

“Waxaa jira dhowr nooc oo kala duwan oo dhacdada ah,” ayuu yiri kaddib markii uu la hadlay dad ku sugnaa qaybta hore ee diyaaradda. “Waxa cad ayaa ah in laba duuliye ay ku jireen qaybta hore mid ayaa kan kale mindi ku dhaawacay.”

Weli ma aanan maqal war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta oo ku saabsan faahfaahinta wixii ka dhacay duulimaadka. Horaantii, shirkadda maamusha garoonka Tabuk, halka ay diyaaradda ku degtay, waxay sheegtay in kabtanka iyo kaaliyaha duuliyaha ay dhaawacmeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker