Puntland oo laba sano xabsi ah ku xukuntay nin lagu eedeeyay inuu Daacish ka iibiyay Adhi

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa laba sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Barkhad Faarax Yaasiin Yuusuf, oo lagu eedeeyay inuu kooxda Daacish ka iibiyay 10 neef oo ari ah.

Maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Barkhad uu xoolaha ka iibiyay afar xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo sida ay maxkamaddu sheegtay wejiyada duubnaa, waxaana xoolaha laga bixiyay lacag dhan 700 oo doollar.

Sida ku cad go’aanka maxkamadda, eedaysanuhu wuxuu sheegay in xoolaha lagu qasbay inuu ka iibiyo xubnaha kooxda, iyadoo baaritaannada lagu sameeyay lagu ogaaday inuusan horey xiriir ula lahayn Daacish ama uu xoolo uga iibin jirin.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay tixgelisay caddeymaha ku jira gal-dacwadeedka, doodaha qareennada, iyo bayaanka uu eedaysanuhu ka hor sheegay garsooraha.

Barkhad Faarax Yaasiin Yuusuf ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi ciidan ah, iyadoo muddada xabsiigu ka bilaabanayso 2-dii Febraayo 2025, oo ahayd maalintii la xiray sida ku cad qoraalka maxkamadda.

Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunka lagu saleeyay qodobo ka tirsan Xeerka La-dagaallanka Argagixisada Puntland iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Go’aanka maxkamadda waxaa ka furan racfaan muddo 30 maalmood ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker