Maxkamadda Sare ee Nairobi oo Amartay in Xildhibaan ka tirsan EALA Loo Celiyo Baasaboorkiisa Kenya

Maxkamadda Sare ee Nairobi ayaa amartay in Abdirahman Bashir Shariff, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA), loo celiyo baasaboorkiisa Kenya, kaddib markii uu sheegay in laga hor istaagay inuu dalka soo galo, isla markaana dib loogu celiyay Soomaaliya.
Maxkamaddu waxay amartay hay’adaha ay khusayso inay 24 saacadood gudahood ku sii daayaan oo ugu celiyaan Abdirahman Bashir Shariff ama qareennadiisa baasaboorkiisa Kenya.

Abdirahman Bashir Shariff, oo sheegay inuu yahay muwaadin Kenyan ah oo dhalasho ahaan ku dhashay, ayaa dacwadda ku sheegay inuu Kenya uga yimid Muqdisho 14-kii Agoosto Sanadkan 2026, balse saraakiisha socdaalka ee garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ay si dheer u wareysteen, gaar ahaan arrinta ku saabsan dhalashadiisa Soomaaliya.
Sida ku xusan dacwadda, Shariff wuxuu sheegay in saraakiishu ay ka saareen goobta socdaalka oo ay xireen.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay inay markii hore u sheegeen inuusan Kenyan ahayn, isla markaana uu si sharci-darro ah ku helay baasaboorka Kenya.
Markii dambe, ayuu sheegay in sababta loo beddelay oo lagu eedeeyay inuusan shaacin inuu haysto dhalasho labaad.

Mr Shariff wuxuu ku dooday inuu saraakiisha tusay in nidaamka socdaalka hore loogu diiwaangeliyay dhalashadiisa labaad, balse saraakiishu ay dalbadeen caddeyn qoraal ah.
Wuxuu sheegay in baasaboorkiisa lagala wareegay, kadibna loo diiday inuu Kenya soo galo, iyadoo lagu celiyay diyaarad ku laabatay Muqdisho.

Abdirahman Bashir Shariff wuxuu sidoo kale sheegay in aan loo soo bandhigin go’aan qoraal ah ama sabab rasmi ah oo ku saabsan xariggiisa, diidmada gelitaanka dalka iyo qaadashada baasaboorkiisa.

Dacwaddiisa wuxuu ku tiirsan yahay qodobbada Dastuurka Kenya, gaar ahaan Qodobka 16, oo dhigaya in muwaadin Kenyan ah oo dhalasho ahaan ku dhashay uusan lumin dhalashada Kenya marka uu qaato dhalashada waddan kale.

Wuxuu sidoo kale daliishaday Qodobka 39(3), kaas oo muwaadin kasta siinaya xaqa inuu Kenya soo galo, ku noolaado kuna nagaado meel kasta oo dalka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Sare weli go’aan kama gaarin eedeymaha iyo su’aalaha dastuuriga ah ee kiiska.

Garsoore Mburu ayaa dhinacyada kale faray inay toddoba maalmood gudahood ku soo gudbiyaan jawaabahooda, waxaana kiiska markale maxkamadda lagu celin doonaa 14-ka Oktoobar sanadkan 2026, si loo hubiyo fulinta amarka iyo in la bixiyo tilmaamo dheeraad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker