Xog lag helay ilo “xog-ogaal ah” oo ku saaabsan wadahadallada Iran iyo Maraykanka

Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo xigatay ilo “xog-ogaal ah” oo sheegaya in dhexdhexaadiyayaashu ay filayaan in maanta ama berri ay wadahadallo kala duwan la yeeshaan Iiraan iyo Mareykanka.

Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa weli ku sugan New York kaddib markii ay ka qeybgaleen shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wakaaladda wararka IRNA ayaa horay u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo ku dhow wafdiga Iiraan ee New York, in aysan jirin wax qorshe ah oo Iiraan ay kula xaajoonayso Mareykanka, isla markaana Mr. Araghchi loo qorsheeyay inuu Talaadada, dib ugu laabto Iiraan.

IRNA ayaa soo xigatay ilahaas oo sheegay in “aragtiyada iyo mowqifyada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si cad oo hufan loogu gudbiyay dhinaca Mareykanka Talaadadii la soo dhaafay, iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyaha Qatar, Iiraanna ay sugayso jawaabta Mareykanka.”

Donald Trump ayaa shalay muujiyay rajo ah in wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka ay dhawaan dib u bilaaban doonaan, inkastoo madaxweynaha Mareykanku uu diiday so jeedintii Iran ee hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker