Iran oo sheegtay suuragalnimada weerar Maraykanku ku qaado dalkooda
Afhayeenka ciidamada Iiraan ayaa sheegay in xaaladda Mareykanka ee gobolka aysan “wanaagsanayn,” taasna ay tahay sababta ay u suuragal tahay inay ku kacaan “gardarro militari.”
Sarreeye Guuto Maxamed Akraminia ayaa uga digay in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay “si buuxda ugu diyaar garoobeen inay la dagaallamaan cadowga.”
Horay, afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan ayaa uga digay Mareykanka inay “la kulmi doonaan dharbaaxo” haddii ay faragelin ku sameeyaan Marinka Hormuz.
Abolfazl Shekarchi ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku “uusan haysan waddo kale oo uu ku baxsado marka laga reebo inuu ka baxo Galbeedka Aasiya,” wuxuuna kula taliyay in sida ugu dhakhsaha badan ee ciidamada Mareykanku uga baxaan gobolka, ay yaraan doonto khasaaraha soo gaaraya.
Digniinta ka imaanaysa saraakiisha militariga Iiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday qorshaha ay Iiraan soo jeedisay ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz iyo yareynta xiisadda.
Horay, wargeyska Wall Street Journal ayaa soo weriyay, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, in Donald Trump uu filayo in duqeymaha cirka ee Mareykanka ay dib u billaaban doonaan ka dib doorashooyinka dhexe ee dalkaasi.




