Daadad iyo dhul-go’ dilay 15 qof oo ku sugan Hindiya iyo 4 kale oo ku sugan Nepal

Roobab mahiigaan ah iyo duufaanno ayaa sababay daadad iyo dhul-go’ ka dhacay dalka Hindiya iyo dalka deriska la ah ee Nepal, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 19 qof, halka 10 shaqaale ahna la la’yahay ka dib markii ay webiyadu soo buuxdhaafiyeen jiiyinkooda.

Gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, 15 qof ayaa dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen 48-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo ay burbureen 117 guri, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka oo soo saaray war-saxaafadeed.

Dalka Nepal, afar qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo haweeney ayaa dhintay ka dib markii dhul-go’ uu ku dumay gurigooda xilli ay hurdeen tuulada Nishi Khola ee degmada Baglung.

Sidoo kale lama oga halka ay ku sugan yihiin 10 shaqaale oo u dhashay Nepal ka dib markii baraf soo rogmaday (avalanche) uu aasay xeryihii saldhigga buurta Himlung Himal — oo dhererkeedu yahay 7,126 mitir — taas oo ku taal degmada Manang ee waqooyiga Nepal.

Shaqaalaha ayaa dhisayay teendhooyin loogu talagalay dadka ajaanibta ah ee buuraha fuula, kuwaas oo aan goobta joogin xilligii ay musiibadu dhacday. Mas’uuliyiinta dalka Nepal ayaa ka digay suurtagalnimada inay daadad degdeg ah (flash floods) ka dhacaan 49 ka mid ah 77-da degmo ee dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker