Ciidamada Iran oo sheegay in ay dabin galiyeen markab quusa oo Maraykanku leeyahay

Ciidamada Badda ee IRGC waxay sheegeen in “markab is wada” oo ay leeyihiiin ciidamada Mareykanka ay “dabin galiyeen” iyaga oo adeegsanay “Ai iyo aalado elektaroonig ah oo dagaalka loogu talagalay.”

War-saxaafadeedka Ciidamada Badda ee IRGC ayaa lagu sheegay in markabkan quusa ee aan cidina wadin balse meel fog laga hago uu yahay “mid ka mid ah maraakiibta casriga ah ee horumarsan ee loo yaqaan Remus 600” haddana loo wareejiyay khubaro si ay u helaan “macluumaad.”

Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale soo saaray muuqaal ah markab laga soo saarayo biyaha, waxayna ku nuuxnuuxsadeen hadalkooda ah in “Marinka Hormuz uu xiran yahay.”

Sebtembar 17, Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqay “qabashada” markab aan cidina saarnayn oo Mareykan ah.

Waqtigaas, CENTCOM ayaa xaqiijisay warka, iyadoo sheegtay in markabka quusa uu “la kulmay cillad farsamo” intii uu ilaalinayay biyaha gobolka.

Afhayeen u hadlay CENTCOM ayaa yiri: “Markabkaanwuxuu ahaa nooc duug ah oo aan ururin macluumaad xasaasi ah mana wadanin qalab radaar ama dareemayaal sare.”

Si kastaba ha ahaatee, IRGC waxay sheegtay in markabkaan uu “shaqaynayo.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker