XOG CUSUB : Dagaalka Iran Oo Fursad U Noqon Doona Aqoonsiga Somaliland…
Dagaalka Iran iyo xiisadaha sii xoogaysanaya ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland.
Warbixintan waxaan ku eegaynaa maqaal cusub oo ay Foreign Policy 23-ka Sebtembar 2026 daabacday, kaas oo uu qoray Joshua Keating, laguna falanqeeyay sida dagaalka Iran, amniga Bab al-Mandab, Dekedda Berbera iyo xiriirka Somaliland ee Israel iyo Maraykanka ay qayb uga noqon karaan doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa Washington ku gudbiyay doodda ah in Somaliland ay noqon karto lamaane istiraatiiji ah oo Maraykanka kala shaqeeya amniga badda, iyadoo Somaliland ay ku taallo meel muhiim ah oo u dhow Bab al-Mandab.
Warbixintu waxay sidoo kale eegaysaa:
- 🇺🇸 Siyaasadda Maraykanka ee Somaliland
- 🇮🇷 Saamaynta dagaalka Iran iyo xaaladda Badda Cas
- 🌊 Muhiimadda Bab al-Mandab iyo Berbera
- 🇮🇱 Xiriirka Somaliland iyo Israel
- 🇨🇳 Somaliland, Taiwan iyo loollanka Shiinaha
- 🇸🇴 Xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya
- 🏛️ Doodda ka taagan aqoonsiga Somaliland ee Washington
Daawo warbixinta oo dhan.




