Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in aqoonsigu uu furi doono xidhiidho maalgashi, ganacsi iyo iskaashi amni
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 24-kii September 2026 khudbad iyo dood uu ka jeediyey Golaha Xidhiidhka Dibedda (CFR) ee magaalada New York, isaga oo ka hadlay doonista Somaliland ee aqoonsi caalami ah iyo xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Cirro ayaa intii uu kulanka socday soo bandhigay mowqifka Somaliland ee ku aaddan xaaladdeeda siyaasadeed iyo dadaallada ay ugu jirto inay hesho aqoonsi caalami ah. Waxa uu sidoo kale ka hadlay kaalinta Somaliland ee xasilloonida Geeska Afrika iyo muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay leedahay juqraafi ahaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland muddo dheer ay dhisaysay hay’ado dowladeed iyo nidaam siyaasadeed oo ku salaysan yihiin doorashooyin iyo isbeddel siyaasadeed oo nabadeed. Wuxuu aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay arrin ay xukuumaddiisu mudnaanta siinayso diblomaasiyadda caalamiga ah.
Sidoo kale, Cirro ayaa ka hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay ganacsiga iyo amniga badda, gaar ahaan marka la eego goobta ay kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab. Arrimaha amniga gobolka iyo xaaladda badda ayaa ka mid ahaa qodobada kulanka CFR lagu soo qaaday.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dooday in xidhiidh. iyo iskaashi dheeraad ah oo lala yeesho Somaliland uu furi karo fursado la xidhiidha maalgashi, ganacsi iyo iskaashi amni. Aragtidan ayaa qayb ka ahayd dadaallada diblomaasiyadeed ee uu Madaxweyne Cirro ka waday Maraykanka iyo New York intii lagu jiray bishan September.
Kulanka CFR wuxuu qayb ka ahaa socdaal uu Madaxweyne Cirro ku marayey Maraykanka, kaas oo ay ka mid ahaayeen kulamo uu Washington kula yeeshay siyaasiyiin, hay’ado iyo xarumo daraasaad oo ka shaqeeya arrimaha siyaasadda iyo amniga caalamka.
CFR ayaa kulanka ku tilmaamay dood uu Madaxweynaha Somaliland kaga hadlayey dalabka aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland iyo xaaladda amni ee gobolka, waxaana doodda hoggaaminayey Ebenezer Obadare, oo ah khabiir sare oo CFR u qaabilsan daraasaadka Afrika.
Khudbadda ayaa ku soo beegantay xilli magaalada New York ay ka socoto toddobaadka heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo madaxda iyo shacabka Somaliland Waqooyiga America ay sidoo kale 23 kii bisha mudaharaad ka hor dhigeen Shirka Qaramada Midoobay.




